Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad La kulan – nin afkiisa ku fura gasacyada sajalan

La kulan – nin afkiisa ku fura gasacyada sajalan

0

Himilo – Chucky Mady wuxuu ku nool yahay Canada gobolka Ontario, waxaa laga soo duubay muuqaal isaga oo afkiisa si awood leh ugu furaya gasacyada biyaha laga cabbo ee xiran.

Sheekada ninkan waxay gaartay dad badan oo fallooyin kala duwan ka bixiyay, ilkihiisa ayuu sheegay inay adag yihiin oo uusan soo gaarin wax dhaawac ah. hawsha wuxuu ku dhammeeyay hal daqiiqo gudaheed.

Warbaahina wuxuu u sheegay inuu sannado waday sameynta hawshan. Wuxuu  soo billaabay markuu 16 jir ahaa. Kaddibna wuxuu go’aansaday soo bandhiyo si uu rikoor caalami ah u sameeyo.

“Maalin ayaan Tv ka daawaday dadka ficillo ay sameeyeen diiwaanka ku galay, oo uu ku jiray nin gasacyo afkiisa ku furayay, markaas wixii ka dambeeyay anna waxaan galay isku hawlid.” Mr Mady ayaa sidaas sheegay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version