Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha AC Milan oo dooneysa weeraryahanka  Arsenal ee  Olivier Giroud.

AC Milan oo dooneysa weeraryahanka  Arsenal ee  Olivier Giroud.

0

Muqdisho – AC Milan ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Arsenal ee Olivier Giroud si ay wararku sheegayaan.

31 jirkaan ayuu kula taliyay tababare ku xigeenka France Guy Stephan inuu ka tago Emirates Stadium islamarkaana uu raadsado koox uu xilli ciyaareedka kale si  joogto ah uu ugu ciyaari karo.

Giroud, oo diiday inuu ku biiro Everton xagaagan, ayaa la fahamsan yahay inuu u furan yahay inuu ka tago kooxda ka dhisan Waqooyiga London si uu usoo noolaeeyo riyadiisa Koobka Adduunka.

Wargeyska Talyaaniga ka soo baxa ee Newsmondo ayaa soo jeedinaya in Milan oo hoos ugu dhacady kaalinta 8aad ee horyaalka Serie A, ay qorsheyneyso in xagaaga soo aadan ay dib u dhisto line-upka, isla markaana Giroud ka ciyaaraya San Siro.

Xiddigii hore ee Montpellier, oo xubin ka ah kooxda Arsenal tan iyo 2012, ayaa 12 kulan oo Premier League ah keydka ahaa xilli ciyaareedkaan.

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version