Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Giggs oo xaqiijiyay doonistiisa ku aadan xilka tabbarnimo ee xulka Wales.

Giggs oo xaqiijiyay doonistiisa ku aadan xilka tabbarnimo ee xulka Wales.

0

Muqdisho – Ryan Giggs ayaa sanadkii 2014-ka si kooban usoo qabtay xilka macalinnimo ee kooxda Manchester United, markii macalin David Moyes laga ceyriyay naadiga, wuxuuna kaaliye u ahaa macalin Van Gaal xilligii uu ku sugnaa kooxda.

Kabtankii hore ee Wales kaas oo ahaa shaqo la’aan taniyo markii macalin Jose Mourinho uu yimid gegida Old Trafford.

Balse fursadda uu macalin Chis Coleman ku noqon karo macalinka xulka Wales ayaa hirar fiican usoo hollinaya ruug-cadaagan.

“Dabcan haa waan xiisaynayaa. Waan usoo ciyaaray xulka, waxaan dhowr jeer doonayay inaan kusoo laabto jagada tabbarnimo,” ayuu yiri Giggs. ‘

“Man United iyo Wales waan usoo wada dheelay waana mudnaan ballaaran.”

Macalin Coleman ayaa xulka Wales ku hoggaamiyay Euro 2016 semi-finals, hayeeshe isaga tagay kadib markii uu ku guul-darraystay inuu xulka usoo saaro 2018 World Cup.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version