Himilo – Amnesty International ayaa Arbacadii ku eedaysay dhinacyada dagaalka ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) inay geysteen tacaddiyo aad u xun oo ay ku jiraan kufsi wadareed, dilal degdeg ah iyo afduubyo.
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada M23 iyo kooxda hubeysan ee dowladda taageerta ee Wazalendo ay labaduba ku kacaan kufsiyo wadareed iyo tacaddiyo baahsan oo lagula kacay shacabka.
“Xadgudubyada dhinacyada dagaalka ma leh xad. Weerarradan ayaa lagu beegsanayaa shacabka si loo ciqaabo, loo cabsi geliyo loona dulleeyo, iyadoo dhinac walba uu isku dayayo inuu muujiyo awood,” ayuu yiri Tigere Chagutah, agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
M23 oo ah kooxda ugu weyn dagaalka bariga Congo ayaa gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ay ku jiraan caasimadaha gobollada Goma iyo Bukavu, kuwaas oo ay la wareegeen horraantii sanadkan. Dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeya Rwanda inay taageerto kooxda, balse Kigali way diiday.
Warbixinta Amnesty ayaa lagu sheegay in la wareystay in ka badan 53 qof oo ay ku jiraan dad ka badbaaday kufsi wadareed, dhibbanayaal kale, xirfadlayaal caafimaad iyo xubno bulshada rayidka ah. Inta badan tacaddiyadan ayaa dhacay inta u dhaxaysay Janaayo iyo May sanadkan, meelaha ay ka mid yihiin Goma, Bukavu, Rutshuru, Masisi iyo Kalehe.
Amnesty ayaa sheegtay in 14 dumar ah oo dhibbanayaal ah la wareystay, kuwaas oo siddeed ka mid ah ay sheegeen in si wada jir ah ay u kufsadeen dagaalyahannada M23, shan kalena ay sheegeen in kufsi wadareed kula kaceen dagaalyahannada Wazalendo, halka mid kalena ay sheegtay in askarta dowladda Congo ay kufsi wadareed kula kaceen.
“Dumarka bariga Congo meel ammaan ah ma leh. Waxaa lagu kufsadaa guryahooda, beeraha ay ku shaqeeyaan, iyo xeryaha ay magan galyada ka raadsadaan.’ Dhinac kasta oo dagaalka ku jira waa inuu mudnaanta siiyo ilaalinta shacabka, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha oo weli ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameyso,” ayuu ku daray Chagutah.
