Himilo – Wasaaradda Caafimaadka Sudan ayaa sheegtay in todobaadkii lasoo dhaafay guud ahaan dalka laga diiwaangeliyay 1,575 kiis oo cusub oo daacuun ah iyo 22 qof oo u dhintay cudurka.
War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in guud ahaan kiisaska cudurka tan iyo markii la shaaciyay bishii Agoosto 2024 ay gaareen 101,450, halka dhimashadu ay marayso 2,515, waxaana uu cudurka ku faafay dhammaan 18-ka gobol ee dalka.
Dhibaatadan caafimaad ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Sudan ay wali ku jirto dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo xoogagga RSF oo qarxay bishii Abriil 2023, dagaalkaas oo ay Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin maxalli ah sheegeen inuu ku dilay in ka badan 20,000 qof isla markaana barakiciyay 14 milyan.
Hase yeeshee, daraasado ay sameeyeen jaamacado Maraykan ah ayaa qiyaasaya in khasaaraha dhabta ahi uu gaarayo ilaa 130,000 oo qof oo ku dhintay colaadda.
