Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Andrea Pirlo oo rajaynaya keentiaanka Paul Pogba kooxda Juventus

Andrea Pirlo oo rajaynaya keentiaanka Paul Pogba kooxda Juventus

1

Himilo – Tababaraha Juventus, Andrea Pirlo ayaa daneynaya soo qaadashada laacibka Paul Pogba si uu u keeno xagaaga soo aadan.

Saxafiga Italy ee Fabrizio Romano ayaa dhawaan sheegay in xiddiga qaranka France uu ku biiri lahaa Old Lady intii lagu guda jirey suuqii lasoo dhaafay balse uu caqabad ku noqday coronavirus.

Pogaba qandaraaskiisa Old Trafford waxa uu ku egyahay June sannadka 2022, balse waayihiisa kooxda ugu haray waxaa hareeyay hadal heyn, 27-jirkaan ayaa lumiyay kalsoonida tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Juve ayaa si weyn u xiiseneysay laacibkooda hore, iyadoo Tutto ay warineyso in Pirlo riyadiisu tahay keenitaanka laacibka ku guuleystay koobka adduunka magaalada Turin, xagaaga soo aada.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version