Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Neymar oo PSG u sheegay in uu daneynayo joogitaanka kooxda

Neymar oo PSG u sheegay in uu daneynayo joogitaanka kooxda

0

Himilo – Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa la werinayaa in uu diyaar u yahay qandaraas u kordhinta kooxda ku ciyaarta Parc des Princes, iyada oo la hadal hayay ku laabashadiisa Barcelona.

Laacibka qaranka Brazil yaa si cajiib ah ugu soo muuqday Barcelona halkaasi oo uu ku muujiyay saameyn aad loo mahdiyay, iyada oo ugu danbeyn keentay noqoshada laacibka ugu qaalisan dunida markii uu PSG ugu biiray qiimo sare.

Foot Mercato ayaa werinaya in Neymar aqbalay hakinta dib ugu laabashada Camp Nou , 28-jirkaan ayaa hadda rajaynaya in uu qandaraas shan sano ah la galo kooxda, xilli heshiiskiisa naadiga uu ku egyahay 2022.

Neymar ayaa dhaliyay seddex gool halka seddex caawin-na uu sameeyay dhammaan tartamada fasal ciyaareedkan, wadar ahaan waxa uu naadiga u dhaliyay 72 gool 89 ciyaarood oo uu u saftay PSG.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version