Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Arsenal oo beddelka Ramsey u dhaqaaqday

Arsenal oo beddelka Ramsey u dhaqaaqday

0

Himilo FM– Arsenal ayaa u dhaqaaqday khadka dhexe kooxda Sampdoria ee Dennis Praet si ay beddel ugu dhigaan xiddiga Aaron Ramsey, kaasi oo si bilaash ah ugu biiraya Juvemtus dhammaadka fasal ciyaareedkan.

Gunners ayaa la filayaa inay soo qaadato khad dhexe cusub xagaagan, Ramsey ayaana ka baxaya kooxda gaar ahaan booska dhexe.

Sida ay ku warameyso Corriere dello Sport, Unai Emery ayaa doonaya soo qaadashada Praet, kaasi oo ay macquul tahay in lagu iibsado £17m oo Gini marka uu furmo suuqa xagaagan.

Praet –ayaa seddex ciyaar u dheelay qaranka Belgium, waxa uu Sampdoria kaga soo biiray Anderlecht sannadkii 2016-kii tan iyo markaasi waxa uu ciyaaray 101 kulan dhammaan tartamada.

Xilli ciyaareedkan, xiddigan khadka dhexe kubadda ka hagaajiya ayaa dhaliyey laba gool iyo laba caawin kaddib markii uu garoonka soo galay 32 ciyaar.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version