Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man City oo baqdin ka muujisay bixitaanka Sane

Man City oo baqdin ka muujisay bixitaanka Sane

0

Himilo FM– Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka baqayso mustaqbalka Leroy Sane ee kooxda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa Etihad Stadium kaga soo biiray Schalke  xagaagii 2016. 129 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Premier League, Sane ayaa 38 gool u dhaliyay 45 goolna caawiyey

Weeraryahanka ayaa qandaraaska uu kula jiro muwaadiniinta waxa uu dhacaya dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-21-ka, sida ay shaacisay Metro. Waxaa hakad galay wadahadaladii heshiis kordhinta xiddigan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxda Pep Guardiola ay ka baqayaan in Sane u yimaadaan dalabyo kale, Bayern Munich ayaa rumeysan inay ka fiirsaneyso dalabka xiddigan.

23 jirkan ayaa dhaliyay 15 gool, waxaana uu caawiye ka ahaa 18 gool 43 kulan oo uu u saftay City xilli ciyaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version