Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Baaritaan: Shaqada carrabka kuma koobna keliya dareenka dhadhanka!

Baaritaan: Shaqada carrabka kuma koobna keliya dareenka dhadhanka!

0

Himilo FM– Carrabka malaha keliya awood la xiriirta dareenka dhadhanka balse waxa uu leeyahay dareen wax urin ah sida lagu sheegay baaritaan cusub.

Waxa xusid mudan in carrabka uu dareemayo dhadhanka cuntada haddii ay tahay macaan, dhannaan ama qaraar iyadoo ugu wacan tahay unugyada dhadhanka ee uu leeyahay.

Hadda, carrabka ayaa leh murqo ka badan inta hore loo aaminsanaa iyadoo baarayaasha ogaadeen in unugyada dhadhanka xambaarsan yihiin borotiino sahlaya wax urinta.

Khubarada ayaa xusay in natiijada shaki gelinayso aragtida ah in dhadhanka iyo wax urinta qaabilsan yihiin keliya afka iyo sanka si isku xigta.

Baarayaasha waxay qabaan in sanka uu leeyahay kaalin wanaagsan oo aan la qarin karin marka laga hadlayo wax urinta laakiin waxay aaminsan yihiin inay jirto xubin caawisa.

Dr Maxamed Hakan oo ka shaqeeya xarun ku taalla Philadelphia oo hoggaaminayay baaritaanka ayaa sheegay in kaalinta sanka ee wax urinta tahay mid muuqata hase ahaatee carrabka uu kaalin ka qaato wax urinta.

Maqaal lagu qoray Chemical Senses ayaa lagu xusay in tijaabada baaritaanka lagu sameeyay jiir iyadoo la qiimeynayay unugyada dareenkiisa dhadhanka iyo wax urinta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version