Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Arsenal oo heshiis la gaartay Omar Rekik daafaca kooxda Hertha Berlin

Arsenal oo heshiis la gaartay Omar Rekik daafaca kooxda Hertha Berlin

0

Himilo – Arsenal ayaa heshiis kula saxiixatay da’yar daafac ugu ciyaara Hertha Berlin kaasi oo lagu magacaabo Omar Rekik. Laacibkan ayaa la rajayanayaa in uu soo wareego bisha January.

18 sanno jirkaan ayaa la filayay in naadiga ay la saxiixdaan suuqii lasoo dhaafay laakiin taasi ma aysan dhicin.

Sida la werinayo, Rekik ayaa imaan doona Arsenal marka la gaaro bisha January, kaddibna waxa uu dib ugu laaban doonaa naadigiisa Hertha ilaa uu ka dhammaanayo xilli ciyaareedka.

Laacibkan waxaa la xiriirinayay kooxo dhowr ah kuwaasi oo saameyn ku leh kubadda cagta Yurub sida Feyenoord, Manchester City, PSV iyo Marseille.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version