Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Gabadha heysata horyaalka Feerka dunida oo qaadatay diinta Islaamka

Gabadha heysata horyaalka Feerka dunida oo qaadatay diinta Islaamka

0

Himilo – Ruby Jesiah Mesu oo suunka dabahka ka haysata ciyaaraha feerka dunida iyo dalka Natherland, ayaa shaacisay inay qaadatay diinta Islaamka, sida ay ku baahisay barteeda bulshada.

Ruby ayaa Instagram-keeda ku sheegtay in kaddib sanado ay daraaseyneysay diinta Islaamka ay ugu danbeytii ku faraxsan tahay iney soo gasho xeendaabka muslinnimada.

Gabadhan oo ku dhalatay guri laga heysto diinta Kirishtaanka, ayaa shahaadada loogu qabtay masjid ku yaala Denmark, halkaas oo loogu qabtay xaflad kooban oo loogu hambalyeenayay, sida ay warisay mareegta Bol News. Waxaa markiiba la arkay iyada oo xiran xijaab.

Sawiradeeda oo ku faafay baraha bulshadu ku xiriirto ayaa usoo jiiday ammaan iyo hambalyeyn kaga yimid bulshada muslimka ah ee ku nool dalal kala duwan oo caalamka ah.

Xiddigtan oo loo garan ogyahay lady Tyson ayaa heysata horyaalka feerka fudud, kan da’yarta, kan Yurub ee dumarka iyo kuwo kale oo ay kamid yihiin kickboxing.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version