Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home COVID 19 WHO: Yurub waxey wajaheysaa lix bil oo adag oo uu sii fidayo...

WHO: Yurub waxey wajaheysaa lix bil oo adag oo uu sii fidayo coronavirus

0

Himilo – Lix bil oo adag ayaa kusoo wajahan dalalka reer Yurub oo mar kale xudun u noqday faafitaanka feyruska dilaagga ah ee Karona, sidaasi waxaa ka digeysa hay’adda caafimaadka dunida ee WHO.

Hans Kluge, agaasimaha WHO ee Yurub ayaa sheegay in qaaradda laga diiwaan galiyay 29,000 oo kiisas dhimasho oo cusub, inkastoo ay hoos u dhaceen tirada dadka qaadaya coronavirus xayiraadaha lasoo rogay dartood.

Waxa uu walaac ka muujiyay si gaar ah xaaladda xanuunka ee wadamada Switzerland iyo France, kuwaas oo qeybaha daryeelka deg degga ah ee isbitaaladu ay buuxsameen 95%.

“Yurub mar kale waxey noqotay xudunta faafitaanka coronavirus” ayuu Mr Kluge ka yiri shir saxaafadeed uu ku qabtay Copenhagen, Denmark, isaga oo sii raaciyay in xogta ugu danbeeysa ee xunuunka ay muujineyso in 17-Ilbiriqsiba hal ruux uu Yurub ugu geeriyoodo cudurka Covid-19.

Midowga Yurub oo fahansan khatarta jirta ayaa shir ay khamiistii isugu yimaadeen waxa ay madaxweyne Ursula von der Leyen ka sheegtay in loo baahan yahay in gobolka meelmariyo laba kamid ah tallaalada Covid-19 dhammaadka sanadkan 2020.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version