Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Arsenal oo wadahadalo la yeelatay Luis Enrique

Arsenal oo wadahadalo la yeelatay Luis Enrique

0

Himilo- Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la yeelatay Luis Enrique iyaga oo isku deyaya in uu noqdo badalka ugu macquulsan ee Unai Emery.

Naadiga ka dhisan waqooyiga London ayaa 2-0 looga badiyay sabtidii ciyaartii kooxda Leicester City, natiijadaas ayaa u horseeday inay hal guul gaarto lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay kordhisay cadaadiska saaran tababarihii hore ee Sevilla.

Wararka ka imanaya Spain ayaa haatan sheegaya in madaxa kubada cagta kooxda Arsenal Raul Sanllehi uu u arko Enrique inuu yahay bedelka ugu haboon isla markaana uu la kulmay isbuucii hore.

49 jirkan ayaa ku guuleystay sagaal koob intii lagu gudajiray sedexdii sano ee uu hogaaminayay kooxda Barcelona, oo ay kujirto seddexleey caan ah oo koobab ah  xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Enrique ayaa loo magacaabay tababaraha Spain bishii July  2018 laakiin waxaa lagu qasbay inuu jagadaas ka dego horaantii sanadkaan maadaama gabadhiisa yar ay u dhimatay xanuun mar la arag ah oo ah nooc ka mida kansarka lafaha.

Ka hor inta uusan qaban jagadaas, wuxuu ku jiray liiska macallimiinta Arsenal ee ka beddelaya Arsene Wenger garoonka Emirates Stadium.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version