Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Wax ka ogow waxyaabaha layaabka leh ee ka mamnuuc ah dalal qaar

Wax ka ogow waxyaabaha layaabka leh ee ka mamnuuc ah dalal qaar

0

Himilo- Dal kasta ayaa la gaar ah dhaqankiisa iyo qaanuunka uu yaalla oo ka soocaya dalalka kale hase ahaatee waxaa jira dalal mamnuucay waxyaabo fudud oo aan loo fileyn.

Waxyaabaha qaar  ee la mamnuucay ayaa caadi ka ah inta badan dalalka caalamka, taasi waa sababta uu bogga Lolwot u qoray dhowr waxyaabood oo danbi ka ah dalal aan badneyn.

Norway

Marka aad joogto dalkan Scandinavian-ka, magac bixinta carruurtaada keliya ma ah go’aan keligaa ku khuseeya. Norway ayaa qoysaska siisa liis dheer oo ay ku qoran yihiin magacyo, waxaa laga doonayaa waalidka in uu mid ka xusho.

Marka uu waalidka doonayo magac ka baxsan liiska, waxaa qasab ah in uu oggolaansho weydiisto dowladda.

Waqooyi Kuuriya

Haddii aad ka hesho surwaalada Jenes-ka ah, Waqooyi Kuuriya ma noqon karto dooqaaga koowaad  sababtoo ah Jenes-ka gaar ahaan nuuca buluugga ah waa ka mamnuuc dalkan.

Singapore

Jasiiradda ku taalla Asia ayaa dalka ka mamnuucday xanjada. Ganaax lacageed iyo xabsi ayuu qofka ku muteysan karaa haddii dalka uu u soo dhoofiyo xanjo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version