Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Arsenal oo wajaheysa dhaawacyo cusub.

Arsenal oo wajaheysa dhaawacyo cusub.

0

Himilo- Daafaca kooxda Arsenal Takehiro Tomiyasu ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac kale soo gaaray waxana laga yaabaa in uu todobaadyo kale garoomada ka maqnaado.

Ka dib markii uu seddex bilood qaatay isagoo ka soo kabanaya dhibaato jilibka ah oo soo gaartay xilli ciyaareedkii hore, xiddiga heerka caalami ee dalka Japan ayaa ugu dambeyntii soo muuqday kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee xilli ciyaareedka kulankii ay Arsenal 3-1 kaga badisay Southampton labo isbuuc ka hor.

Tomiyasu waxa uu bedelay Thomas Partey lixdii daqiiqo ee ugu danbeysay ee guushaas, inkastoo aan looga yeerin xulka Japan isreebreebka Koobka Adduunka 2026 ee bishan ay la ciyaarayaan Australia iyo Saudi Arabia.

25-sano jirkaan ayaa la filayay inuu ku soo bilowdo kulanka sabtida ee Bournemouth.

Si kastaba ha ahaatee, TEAMTalk ayaa sheegaysa in Tomiyasu uu soo gaaray dhaawac cusub isaga oo ka dhaawacmay isla jilibkii uu markii hore ka dhaawacmay.

Shaqaalaha Gunners ayaa loo malaynayaa inay ‘aad uga walaacsan yihiin’ xaaladda ciyaaryahankii hore ee Bologna, waxaana la rumeysan yahay inuu xanuun ka dareemay halkii uu markii hore ka dhaawacmay daqiiqadihii uu ciyaaray kulankii Southampton.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version