Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Atletico Madrid oo u dhaqaaqi karta Lucas Torreira

Atletico Madrid oo u dhaqaaqi karta Lucas Torreira

3

Himilo – Atletico Madrid ayaa u dhaqaaqi karta cayaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torreira xagaagan.

Los Rojiblancos ayaa weysay laacibka reer Uruguay labo sanno kahor markii uu doortay in uu ku biro Gunners.

Torreira ayaa qiray in uu ka tagayo kooxdiisa ka dhisan Waqooyiga London kaddib xilli cayaareed wareer badan oo ku qaatay 2019-20.

24 jirka ayaa noqday cayaaryahan ay xiiseeyaan taageerayaasha bilihii ugu horreeyay ee garoonka Emirates Stadium ol-olihii 2018-19 laakiin Torreira ayaa ku guuldareystay in uu sameeyo bandhig wanaagsan.

Tan iyo markii uu yimid kooxda Mikel Arteta,  Granit Xhaka iyo Dani Ceballos ayaa loo doorbidday khadka dhexe ee kooxda. Torreira ayaa lala xiriiriyay kooxda horyaalka Talyaaniga ee AC Milan toddobaadyadii ugu danbeeyay.

Cayaaryahankii hore ee Sampdoria ayaa sheegay in uusan sii joogeyn Arsenal sida laga soo xigtay wareysi uu siiyay raadiyaha Sport 980.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version