Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dhaqaale Wax ka ogow shaqooyinka loogu xushmadda badan yahay caalamka

Wax ka ogow shaqooyinka loogu xushmadda badan yahay caalamka

2

Himilo – Baaritaan ayaa muujiyay shaqooyinka loogu xushamadda badan yahay caalamka oo dhan iyada oo arrintan isbadal uu ku imaan karo wakhti kasta.

Hay’adda Varki ayaa sameysay ra’yi uruurin laga qaaday muwaadiniinta 35 dal oo la weydiiyay shaqooyinka cajab geliya islamarkaana ay u hayaan ixtiraam badan.

Natiijada ra’yi uruurinta ayaa tilmaamtay in dhaqtarka uu yimid booska koowaad ee shaqooyinka loogu xushmadda badan yahay dunida oo dhan.

Waxaa kaalinta labaad yimid qareenka. Injineerka guryaha dhisa waxa uu soo galay booska seddexaad halka maamulaha dugsiga uu fariistay kaalinta afaraad.

Khubarada ayaa u arka inay isbadali karto qiimeyntan mustaqbalka dhaw iyada oo Robotyada qabanayaan immika shaqooyinka bini’aadamka.

Warbixin la soo saaray sannadkii 2018-ka ayaa lagu sheegay in 50% shirkadaha caalamka in ay qorsheynayaan inay yareeyaan shaqaalahooda marka la gaaro sannadka 2022 si looga faa’iideysto shaqooyinka Robotyada.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version