Himilo –Baarlamaanka Austria ayaa mamnuucay in sigaarka lagu cabbo maqaayadaha isaga oo soo gabagabeeyay siyaasadda xukuumaddii middigta fog oo horay u hakisay sharcigan.
Go’aanka xukuumaddii hore ayaa dhaliyay carro xooggan iyadoo dadka xeeldheerayaasha caafimaadka ay layaab ku noqotay in xukuumadda diido go’aan ay ku jirto danta guud.
Dad badan ayaa jecleysta inay wakhti wanaagsan ku qaataan maqaayadaha iyo baararka iyaga oo aan ku neefsan qiica ka baxa sigaarka ay cabayaan dadka ku dhaw.
Bamilie Rendi oo ah hoggaamiyaha xisbiga hanta-wadaaga dimuqraadiga ah ayaa sheegtay in la ansixiyay sharciga oo hagaajinaya caafimaadka dadka reer Austria.
Khubarada caafimaadka ayaa boggaadiyay tallaabada baarlamaanka ee lagu mamnuucay sigaarka lagu cabbo gudaha maqaayadaha, waxaana uu dhaqan galayaa sharciga bisha November ee soo socota.
Waxaa immika Austria ka talinaysa xukuumad gaarsiinaysa dalka doorasho baarlamaani ah kaddib markii ay meesha ka baxday xukuumaddii hore.
