Himilo – Daraasiin ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka qeyb qaadanaya la tacaalidda cudurka Ebola ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa Khamiistii mudaharaad ka dhigay magaalada Bunia ee gobolka Ituri, iyagoo ka cabanaya mushahar iyo gunnooyin aan la siin tan iyo markii cudurka lagu dhawaaqay bartamihii bishii May.
Mudaharaadka ayaa saameeyay xarumo caafimaad oo dhowr ah, iyadoo gobolka Ituri uu hayo ku dhowaad 90% kiisaska Ebola ee dalka. Dibadbaxayaasha waxaa ka mid ahaa kalkaaliyeyaal si toos ah u daryeela bukaannada Ebola, kuwaas oo sheegay in cudurka aan la xakameyn karin haddii aan si degdeg ah xal loogu helin xaaladdooda.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in cudurku uu si xawli ah u sii fidayo, halka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ay ku baaqeen in la dardargeliyo taageerada shaqaalaha safka hore, iyagoo xusay in mushahar la’aanta, amni darrada iyo weerarrada lagu hayo shaqaalaha caafimaadka ay wiiqayaan dadaallada lagu xakameynayo cudurka.
