Home Macluumaad Baaquli lagu xaraashayo $500,000

Baaquli lagu xaraashayo $500,000

0
Baaquli

Himilo – Baaquli yar oo la aaminsan yahay in 600 oo sano ka kor lagu adeegsan jiray dalka Shiinaha ayaa sannadkii 2020 lagu iibiyay $35, hadda waxaa dib loogu iibinayaa lacag aad uga badan middaas.

Markii la iibiyay sawiradiisa waxaa loo diray dad ku takhasusay qiimeynta alaabta guunka ah kuwaas oo sheegay in weelkan uu yahay qadiimi la adeegsan jiray sanadihii 1403 ilaa 1424.

Warka xiisaha  leh, baaquliga ayaa lagu wadaa in 17 bishan lagu xaraasho $300,000 ilaa $500,000 oo doollar sida laga soo xigtay guriga xaraashayada ee New York.

Xarunta Sotheby’s ayaa sheegay in  keliya lix nooc oo baaquliyadan ah ay jiraan dunida kuwaa oo adeegsidooda dib loogu celiyo boqortooyadii Yongle taas shiinaha ka jirtay 600 sano a hor.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version