Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Baarlamaanka Uzbekistan oo sharci cusub ka soo saaray xafladaha arooska

Baarlamaanka Uzbekistan oo sharci cusub ka soo saaray xafladaha arooska

0

Himilo- Baarlamaanka Uzbekistan ayaa soo saaray sharciyo cusub oo ku qotoma xafladaha arooska iyadoo loo dejiyay shuruudo adag si looga baaqsado kharashaadka ka badbadinta ah ee guurka sida ay qortay wakaalada Reuters.

Inkastoo celceliska dakhliga caasimadda Tashkent iyo magaalooyinka kale uu yahay 200 illaa 300 oo mushaar ah bishii haddana dhinacyada arooska ayaa la rumeysan yahay inay ku dhawaad 20 kun oo doolar ku bixiyaan guurka.

Inta badan lacagta waxaa deyn ahaan looga qaadaa asxaabta iyo qaraabada iyadoo la siinayo sannadaha xiga.

Boggaga warbaahinta maxaliga ah ayaa ka soo xigtay Iqbal Miruz oo ah xubin katirsan baarlamaanka dalka in sharciga uu hirgalayo sannadka soo socda.

Sharciga ayaa dhigaya in xaflada arooska loo oggol yahay keliya labo koox oo muusiga garaaca iyo ugu badnaan seddex gaari oo galbis ah. Waxaa sidoo kale waajib ah in aysan martida ka badan 250 qofood.

Madaxweynaha Uzbekistan Shavkat Mirziyoyev ayaa dhalleeceeyay xafladaha arooska dalka oo uu sheegay inay sabab u yihiin culeyska deymaha ee qoysas badan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version