Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dhaqaale Sidee ayuu madaxa bankiga Deutsche Bank lacag uga ammaahday darawalkiisa?

Sidee ayuu madaxa bankiga Deutsche Bank lacag uga ammaahday darawalkiisa?

0

Himilo- Madaxa fulinta bankiga ugu weyn Jarmalka ayaa la kulmay xaalad maaliyadeed oo adag oo ku qasabtay in uu lacag ka ammaahdo darawalkiisa gaarka ah.

Christian Seven oo ah madaxa fulinta bankiga Deutsche Bank Group ayaa qirtay in uu lacag ka ammaahday darawalkiisa gaarka ah kaddib markii uu oggaaday in uusan heysan lacag ku filan isaga oo ka qeyb galayay barnaamij lagu qabtay magaalada Düsseldorf.

Mar la weydiiyay lacagta ku jirtay jeebkiisa, Seven ayaa ku jawaabay in duruufta ku kaliftay in uu lacag ka ammaahdo darawalkiisa isagoo intaa raaciyay inay ahayd deyn ku-meel-gaar ah.

Madaxa bankiga Deutsche Bank ayaa xusay in uu wali heysto hab dhaqameedka hore ee lacagta kaashka wax looga iibsado.

Waxaa xusid mudan in Jarmalka oo kamid ah dalalka ugu dhaqaalaha xooggan caalamka in xarumo badan aysan aqbalin qaadashada kaararka lacagta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version