Home Macluumaad Bangladesh: Diyaarad Militari oo ku dhacday Iskuul ku yaalla Dhaka, 27 qof...

Bangladesh: Diyaarad Militari oo ku dhacday Iskuul ku yaalla Dhaka, 27 qof oo u badan arday oo ku dhintay

0

Himilo – Ugu yaraan 27 qof oo ay 25 ka mid ah ay carruur yihiin ayaa ku dhintay shil diyaaradeed ka dhacday dhismo iskuul oo ku yaalla caasimadd Dhaka ee dalka Bangladesh, sida laga soo xigtay masuuliyiin.

78 qof oo kale kuwaas oo badankood ay yihiin arday, shaqaale dab-damis iyo askar ayaa la dhigay isbitaallada, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay qabaaan gubasho culus, sida ay dawladda warbaahinta u sheegtay.

20 ka mid ah meydadka ayaa la aqoonsaday oo loo gacan geliyay qoysaskooda, halka lix kale aan weli la aqoonsan. Dadka dhintay waxaa ka mid ah duuliyihii diyaaradda oo ahayd nooca dagaalka.

War kasoo baxay xafiiska warfaafinta ciidamada ayaa lagu sheegay in diyaarada ay qabsatay cillad farsamo markii ay ka duushay saldhig ciidan. Duuliyaha ayaa isku dayay inuu ka fogeeyo goobaha dadka balse waxay ku dhacday dabaq iskuul ah.

Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinayay dab xoog leh iyo qiiq madow oo cirka isku shareeraya. Dowladda ku-meel-gaarka ah ee Bangladesh ayaa ku jirta baroor-diiqda qaran. Wasaaradda Waxbarashaduna waxay joojisay imtixaankii heerka sare ee la qorsheeyay inuu dhaco maanta.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version