Home Arrimaha Bulshada Gaza: Ilmo saddex bil jir ah oo gaajo ugu dhintay cunaqabatayn Israa’iil...

Gaza: Ilmo saddex bil jir ah oo gaajo ugu dhintay cunaqabatayn Israa’iil saartay

0

Himilo – Ilmo saddex bilood jir ah ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Marinka Gaza, wuxuu quudanayay shaah geedo-dhaqameed ka samaysan, taasoo muujinaysa heerka gaajada ee ba’an ee ay wajahayaan kumannaan carruur ah oo ku sugan dhulka go’doonsan.

Waalidiinta Yahya ayaa sheegay inuu si aad ah u caatoobay isla markaana ay ku arkeen calaamado muujinaya nafaqo-darro sida calool barar iyo lafaha ii muuqda, taasoo keentay inuu tabar dhigo

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in cunaqabateynta Israa’iil ee billaabatay bishii Oktoobar 2023 ay sababtay dhimashada 86 Falastiiniyiin ah — kuwaas oo 76 ka mid ah ay yihiin carruur — sababo la xiriira gaajo iyo nafaqo-darro.

Waxay sheegtay in 18 qof oo ay carruur ku jiraan ay gaajo ugu dhinteen hal maalin gudaheed, iyadoo xaaladda lagu tilmaamay “xasuuq aamusnaan ah” oo ka soconaya hoos cunaqabateyn dheer.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version