Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo Chelsea kula tartameysa saxiixa goolhaye Andre Onana

Barcelona oo Chelsea kula tartameysa saxiixa goolhaye Andre Onana

0

Himilo – Goolhayaha Ajax Andre Onana ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay kooxda kubadda cagta Barcelona.

Inkasta oo la tilmaamay in kooxda reer Catalan doonayso inay yareyso kharashaadka ka baxa haddana wararka qaar ayaa muujinaya in Barcelona sameyn karto saxiixyo cusub suuq furanka xagaaga.

Iyada oo kooxda heysato Marc-Andre ter Stegen iyo Neto, warbaahinta Sport ayaa sheegaysa in kooxda La Liga xiiseynayso Onana.

Cayaaryahanka qaranka Cameroon oo loo arko mid kamid ah cayaaryahannada ugu muhiimsan Ajax ayaa la filayaa in uu u wareegi karo koox weyn suuq furanka soo socda.

23 jirka ayaa wakhti ku qaatay akaadeemiyadda Barcelona kahor inta uusan u wareegin Ajax sannadkii 2015-ka.

Chelsea ayaa la tilmaamayaa inay qiimeynayso xaaladda iyada oo dooneysa inay Onana ka dhigto beddalka Kepa Arrizabalaga.


NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version