Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Thailand: Qarax ka dhashay sameecad dhago oo galaaftay nolosha da’yar

Thailand: Qarax ka dhashay sameecad dhago oo galaaftay nolosha da’yar

0

Himilo – Meydka nin dhallinyaro ah oo u dhintay qarax ka dhashay sameecadaha dhagaha la gashto ayaa laga helay guri uu ku daganaa bartamaha Thailand.

Subakht Sarbon ayaa lagu arkay qolka jiifkiisa isaga oo meyd ah islamarkaana xeran sameecad dhago taleefan ku xiriirsanaa dab.

Waxaa la rumeysan yahay in Subakht uu ka soo laabtay tababar cayaar kubadda cagta ah kahor inta aan la soo warin dhacdada xannuunka badan.

Deriska ninka 36 jirka ah ayaa soo sheegay dhacdada kaddib markii wax war ah laga waayay dhibanaha muddo seddex maalin ah.

“Qof saaxiib la ah ayaa iga codsatay in aan booqdo, kaddib waxaan tagay gurigiisa oo aan xoog ku galnay, meydkiisa ayaan soo aragnay,” ayuu yiri qof kamid ah deriska ninka dhintay.

Subakht Sarbon ayaa la tilmaamayaa in uu jeclaa kubadda cagta isaga oo la cayaari jiray koox maxali ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version