Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo isha ku heysa heshiiska Eric Garcia

Barcelona oo isha ku heysa heshiiska Eric Garcia

0

Himilo – Barcelona, ayaa rajeyneysa in heshiis hore dhac ay la gaarto xiddiga Manchester City Eric Garcia, marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo ee sanadka 2021.

Mundo Deportivo, ayaa warineysa in heshiiskaasi qalinka lagu duugi doono billawga bisha Janaayo, waxaa sidoo kale Barca ay ka fiirsan doonto in heshiis kale ay la gaarto weeraryahanka Lyon Memphis Depay.

19-jirkan daafaca ka ciyaara ayaa heshiiska City uu dhacayaa 30-ka bisha ina soo aadan ee June, taas oo u fasaxeysa in kooxaha uu la hadlo waxa ka danbeeya todobaddka danbe, si uu ula gaaro heshiis hordhaca.

Garcia, ayaa qaadacay inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kula sii joogayo kooxda City, iyadoo macallin Pep Guardiola uu xaqiijiyay in damaca xiddigu ahayn inuu sii joogo Etihad Stadium.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version