Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Klopp: Milner waa xulashadeyda koowaad ee gool-ku-laadyada

Klopp: Milner waa xulashadeyda koowaad ee gool-ku-laadyada

0

Himilo – Jurgen Klopp, tababaraha Liverpool ayaa xaqiijiyay in James Milner uu noqonayo xiddiga koowaad ee kooxda u tuuri doona gool-ku-laadyada, halka dookha labaadna uu yahay Mohamed Salah, sida uu daabacay Gool.com.

Inkasta oo ruuxii loo arko uu tuuri karo gool-ku-laadka inta lagu jiro ciyaarta, haddana macallin Klopp waxa uu u arkay Milner mid kubaddii loo wakiishaba u rogi kara gool.

Milner oo ku dhaw inuu kasoo laabto dhaawacii uu ku maqnaa, ayaa u saftay Reds 82 kulan, isaga oo u dhaliyay 11 gool. Sideed ka mida goolashaasi waxey ahayeen rigoorooyin.

Doorashada tababare Klopp, ayaa sii xoojin kara warar ay baahinayaan warbaahinta Spain, kuwaas oo sheegaya in Mo Salah u dhaqaaqi doono horyaalka LaLiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version