Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo u dhaqaaqaysa saxiixa Erling Haaland

Barcelona oo u dhaqaaqaysa saxiixa Erling Haaland

0

Himilo – Barcelona ayaa isku diyaarineysa soo qaadashada Erling Haaland kaasi oo in muddaba lala xiriirinayay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Labada koox ee Barcelona iyo  Real Madrid ayaa lala xiriirinayay in ay soo qaataan Erling Haaland, balse  Los Blancos ayaa sheegtay in xiddigan lasoo wareegi doonto, qiimo waliba ku bixin doonto.

Warsidaha  Mundo Deportivo ayaa ku warramaya in madaxweynaha  Barcelona mr Joan Laporta uu caddeeyay in  Erling Haaland yahay bartilmaameedka ugu weyn isla markaana ay ku garaaci doonaan naadiga ay xafiiltamaan ee Real Madrid saxiixa xiddigan.

Wakiilka Erling Haaland ayaa horey u sheegay in naadiga Borussia Dortmund aysan diyaar u aheyn iibinta laacibiinta ugu muhiimsan kooxdooda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version