Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Sacuudiga: Ku affuridda Masaajidda oo la mamnuucayo Bishan Ramadaan

Sacuudiga: Ku affuridda Masaajidda oo la mamnuucayo Bishan Ramadaan

0

Himilo – Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha diinta ee Sacuudiga inta lagu guda jiro bisha ramadaan masaajidda dalkaas sanadkan lagama oggola in lagu affuro ama lagu saxuurto.

Tallaabadan waxay wasaaraddu u sababeysay inay uga dan leedahay xakameynta faafidda COVID-19. Sheikh Abdullatif Al-Asheikh ayaa sidoo kale sheegay in Ictikaafka masaajidka la joojiyay.

Wuxuu intaa ku daray in shuruucda Taraawiixda iyo salaadaha Qiyaamo Laylka go’aanada laga gaaro dib laga baahin doono. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii dad Cumro u tagay laga Karoona.

Sheikh Abdulrahman Al-Sudais madaxa masaajidda Xarameynka ayaa sheegay in tallaalka Cudurka Karoona looga baahan yahay dadka galaya masjidul Xaraam iyo Masjidka Nabiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version