Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo u dhaqaaqday daafac ka tirsan kooxda Ajax

Barcelona oo u dhaqaaqday daafac ka tirsan kooxda Ajax

0

Himilo – Barcelona waxaa lagu warramayaa in ay dalab ka gudbinayaan  Ajax daafaceeda Lisandro Martinez.

Sida ay ku warrameyso Sport, Martinez ayaa hadda bartilmaameed macquul  ah u ah naadiga ka dhisan horyaalka La Liga, kaddib markii uu bandhig sare kusoo bandhigay kooxdiisa Ajax.

22 sano jirkaan ayaa awood u leh ka ciyaarista boosas badan oo daafaca ah sida daafaca dhexe taasi oo Barcelona ka saacideysa in ay ka dhigtaan beddelka Gerard Pique oo muddo garoomada ka maqnaanaya.

Martinez oo goor sii horreysay lala xiririnayay u dhaqaaqitaanka kooxo waa weyn, ayaa hadda heysta laba sanno iyo bar oo kaga haray qandaraaskiisa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version