Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo u dhaqaaqday weeraryahan u ciyaara Tottenham Hotspur

Barcelona oo u dhaqaaqday weeraryahan u ciyaara Tottenham Hotspur

0

Himilo FM – Kooxda Barcelona ayaa diiradda saareysa Weeraryahanka Tottenham Hotspur Fernando Llorente.

Kooxda reer Catalan ayaa lagu soo waramayaa inay suuqa ugu jirto weeraryahan cusub bisha Janaayo  halka Alvaro Morata lala xiriirinayo in uu u wareegayo Camp Nou.

Si kastaba, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, tababare Ernesto Valverde ayaa sidoo kale ka fiirsanaya Llorente oo ah dooqa labaad ee keydka ugu jira Harry Kane ee kooxda Tottenham Hotspur.

33 jirkan ayaa hal kulan ku billowday tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay kooxda ka dhisan waqooyiga London 2017 inkastoo 11 kulan oo kale uu ka soo muuqday koobabka kale.

Llorente waxaa qandaraaskiisa ka haray lix billood oo keliya laakiin dhaawaca Kane ee kulankii  Manchester United ee Axadda ayaa laga yaabaa in uu fursad ka helo kooxda uu maamulo Mauricio Pochettino.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version