Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Sawirro: Ninka qaata keliya dharka leh midabka jaalaha!

Sawirro: Ninka qaata keliya dharka leh midabka jaalaha!

0

Himilo FM – Ma u maleynaysaa inaad xeran karto dhar leh midabka jaalaha muddo 35 sanno ah, sidaasi waxaa sameeyay Abou Zakkour oo da’diisu tahay 68 jir deggan magaalada Aleppo ee dalka Syria.

Sheekadan ninkan oo dadka ula baxeen “ Ninkii dharka jaalaha” ayaa bilaabatay bishii Janaayo ee sannadkii 1983-dii xilligaasi oo uu go’aansaday Mr Abou inuu qaato keliya dharka leh midabka jaalaha.

Waxay la tahay in midabka jaalaha uu yahay astaanta lagu yaqaan jaceylka, tan iyo maalintii uu go’aanka qaatay waxa uu xertaa midabkaasi.

Tani waxay ka dhigan tahay in dhammaan dharka uu xerto sida dharka hoos gashiga in midabkoodu yahay jaale sida uu Abou u sheegay warbaahinta.  Waxaa la soo wariyay xittaa in midabka daladiisa tahay jaale.

Waxaan kugu soo lifaaqnay xogtan sawirrada ninka, ee fadlan ka eeg hoos.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version