Home Cayaaro Barcelona oo weli xiiseyneysa Georginio Wijnaldum

Barcelona oo weli xiiseyneysa Georginio Wijnaldum

0

Himilo – Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay in weli ay doonayaan soo qaadashada Georginio Wijnaldum iyo Memphis Depay.

Kooxda Spanish-ka ayaa si xooggan loola xiriirinayay u dhaqaaqista laacibka khadka Liverpool iyo weeraryahanka Lyon intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Koeman ayaa la shaqeeyay Wijnaldum iyo Memphis isaga oo macallin u ah Netherlands, wuxuuna xaqiijiyay in uu midkood doonayo in Frenkie de Jong kula lamaaniyo Camp Nou.

“Raja ahaan, waan heli doonaa xiddig labaad oo u dhashay Dutch kaasi oo biiriya safkeenna. Georginio Wijnaldum waxa uu ahaa laacibiinta ay dooneyno,” ayuu Koeman u sheegay NOS.

Si kastaba Memphis ayaa horey ugu goodiyay in uu ka dhaqaaqayo Lyon kahor inta aysan Barcelona shaacin xiisihiisa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version