Home Cayaaro Manchester United oo qiimo sare ku dooneysa Erling Braut Haaland

Manchester United oo qiimo sare ku dooneysa Erling Braut Haaland

0

Himilo – Erling Braut Haaland ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kulankii ay xulkiisa Norway guusha ka gaareen Romania. Laacibkaan ayaa kamid noqday xiddigaha lala xiriirinayo Manchester United bisha January marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Haaland ayaa doorbiday  Borussia Dortmund hakii uu ku biiri lahaa  Red Devils markii dalab ka gudbiyeen laacibkaan.

Sida ay ku warameyso ESPN, Haaland iyo Jadon Sancho ayaa kamid ahaa barbaarta diiradda u saarnaa tabababare Ole Gunnar Solskjaer, inkastoo madaxa kooxda Man Utd ee Ed Woodward uu ku guuldareysay keenista laacibiintaan.

Sidoo kale warbixintu waxay sheegeysaa in Manchester City ay xiiseeneyso xiddiga kooxda Borussia Dortmund xagaaga soo aadan. Sidaa darteed Man United waxaa waajib ku ah bixinta £72 Milyan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version