Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Bartilmaameedka Liverpool Pedri imisa ayaa lagu heli karaa?

Bartilmaameedka Liverpool Pedri imisa ayaa lagu heli karaa?

3

Himilo – Liverpool ayaa lagu wargeliyay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Pedri lagu heli karo 70 milyan ginni xagaagan.

Ciyaaryahanka dhawaan u saftay xulka Spain ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda difaacaneysa Premier League.

Barca ayaa dooneysa inay sii heysato 18 jirkaan, kaasoo 44 kulan ka soo muuqday tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, The Mirror ayaa warinaysa in Pedri qandaraaskiisa lagu burburin karo 70 milyan oo ginni, taasoo ka dhigeysa in Liverpool awoodi karto.

Kooxda reer Catalan ayaa dooneysa inay heshiis cusub u soo bandhigto da ‘yarkaan si ay uga saarto heshiiskaas, laakiin taasi ma noqon doonto ka hor suuqa kala iibsiga soo socda.

Qandaraaska haatan ee Pedri ee Camp Nou wuxuu soconayaa illaa 2022, taasoo la micno ah inuu kaga tagi karo si xor ah muddo ka yar sanad haddii heshiiska cusub lagu heshiinin

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version