Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Haweenka La kulan: Haweeney in ka badan 60 sano ka shaqeyneysay hal xafiis

La kulan: Haweeney in ka badan 60 sano ka shaqeyneysay hal xafiis

0

Himilo – Yasuko Tamaki oo u dhalatay Japan taniyo sannadkii 1956 waxay aheyd maamule xafiis iyadoo  u shaqeyneysay hal shirkad.

Hadda waa 90 jir marka la gaaro bisha soo socota ee May waxay u dabbaal degi doontaa sannadkeedii sagaashan iyo koobaad.

Iyadoo da’daas jirta isbuuc walba waxay shaqeysaa shan maalin. Shaqadeeda dheer ee halka xafiis ku kooban waxay ku gashay diiwaanka dunida.

“Dhammaan wixii aan sameeyay waxay ahaayeen wixii aan filayay inaan qabto 90 sano. Ma garanayo waxaan dhaho.” Sidaas ayay u sheegtay masuuliyiinta Guinness.

Yasuko oo la siiyay shashaado muujineysay halgankeeda, waxay sheegtay inaysan u qorsheysneyn mustaqbalka inay shaqada da’ ahaan uga fariisato.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version