Home Cayaaro Bartilmaameedkii Arsenal oo hoos u dhigay ku biiristiisa kooxda

Bartilmaameedkii Arsenal oo hoos u dhigay ku biiristiisa kooxda

0

Himilo FM – Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Bournemouth Ryan Fraser ayaa sheegay  inuu diyaar u yahay in uu sii joogo garoonka Vitality Stadium xilli ciyaareed kale.

Fraser ayaa kamid ah  ragga ugu muhiimsan kooxda, laakiin xiddiga reer Scotland ayaa hal sanno waxaa ka haray qandaraaskiisa.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa Fraser xagaaga, laakiin 25 jirkan ayaa si maldahan u sheegay in uusan ku faraxsaneyn inuu ka tago Cherries.

The Mirror ayaa kasoo xigatay xiddiga isaga oo yiri “Hal sanno ayaa ii hartay  fursad weyn ayaan ku jiri doonaa xilli ciyaareedka soo aadan, waana ku faraxsanahay halkaan.”

Fraser ayaa dhaliyay toddobo gool isla markaana sameeyay 14 caawin oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version