Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Jurgen Klopp oo mar kale dalab u diray Marco Asensio

Jurgen Klopp oo mar kale dalab u diray Marco Asensio

0

Himilo FM –Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday lasoo saxiixashada ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Marco Asensio.

Liverpool ayaa lala xiriirinayay Asensio tan iyo billowgii 2019, inkastoo kubadsameeyaha loo arkayay inuu qeyb muhiim ah ka yahay qorshaha kooxda koowaad ee Zinedine Zidane.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay wargeysyada Spain, Liverpool ayaa isku diyaarineysa inay lacag  badan ku raadiso xiddiga reer Spain bilaha soo socda.

23 jirkan waxaa qandaraaskiisa Bernabeu ka haray afar sanno, Asensio ayaa lix gool ku lug yeeshay 39 kulan oo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version