Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Bartilmaameedkii Liverpool iyo Barcelona Junior Firpo oo hoos loo dhigay qiimahiisa

Bartilmaameedkii Liverpool iyo Barcelona Junior Firpo oo hoos loo dhigay qiimahiisa

0

Himilo – Real Betis ayaa la warinayaa in ay qiimo dhimis ku samaysay lacagtii ay ku doonaysay daafaca buuxa ee Junior Firpo  oo ay ka dhigeen £23m.

Barcelona ayaa si aad ah loola xariirinayay in ay u dhaqaaqayaan 22-jirkaan Todobaad yadii ugu danbeeyay, Halka Liverpool  sidoo kale ay u muujisay xiisaha ay u qabaan adeegiisa si uu Reds ugu badalo booska Alberto Moreno.

Sida laga soo xigtay Sport, Betis ayaa horay ugu qiimaysay £32m laacibkii hore ee qaranka Spain  xidigaha ay da’doodu ka hoosayso 21jirada ,kaas oo kaliya safashadiisii ugu horaysay u ciyaaray Seville bishii  February 2018-kii.

Isla warbixinta ayaa sheegeysa in Los Verdiblancos ay haatan caddeysay inay diyaar u yihiin inay ku iibiyaan 23 milyan ginni, inkastoo Barca laga wariyay inay kaliya diyaar u tahay inay bixiso 18.3 milyan ginni.

Madaxa kooxda reer Catalan Ernesto Valverde ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay suuqa ugu jirtay daafaca bidix oo cusub si ay tartan  u galiyaan Jordi Alba inta lagu guda jiro ololaha 2019-20.

Firpo ayaa tan iyo markaas ka jawaabayay wararka la isla dhexmarayo ee suuqa kala iibsiga isagoo qirtay inuu ku faraxsan yahay in lala xiriirinayo xagaaga inuu u dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka Spain.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version