Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Duuliye inuu diyaaradda kiciyo shuruud uga dhigay inay rakaabku bixiyaan lacagta shidaalka

Duuliye inuu diyaaradda kiciyo shuruud uga dhigay inay rakaabku bixiyaan lacagta shidaalka

0

Himilo – Si ay diyaaraddu u duusho waxay aheyd inay qaadato shidaal ku filan lana bixiyo $3,000 oo lacagta shidaalka ah, balse duuliyihii ayaa rakaabka diyaaradda weydiiyay inay lacagta bixiyaan!

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo badan, duuliyaha ayaa diiday inuu diyaaradda duuliyo xilligii loo qorhseeyay ilaa rakaabka ay ka bixiyaan lacagta shidaalka safarka.

Jadwalka rakaabka ayaa ahaa inay ka dhoofaan garoonka Tunis una duulaan  Baghdad, laakiin dib ayay u dhaceen saacado,  arrintan ayaa caro ku reebtay markii duuliyiha uu u sheegay inuusan meelna u kicineyn diyaaradda ilaa uu ka helo lacagta.

Dood ayaa labada dhinac ka dhex bilaabatay, mid ka mid ah rakaabka ayaa duubay buuqda diyaaradda ka dhex dhacay waxa uuna dhigay baraha bulshada. Bilowgii waxaa loo arkay arrin siyaasadeed.

Warbixinno horudhac ah ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Tunisia ay ka horjoogsadeen duullimaadka in ay qaadaan sababta oo ah saraakiisha duullimaadyada Ciraaq waxaa ku maqan deyn shidaal oo aan la bixin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version