Home Cayaaro Bayern Munich oo noqotay kooxdii ugu danbeysay ee la xiriirta Ivan Rakitic

Bayern Munich oo noqotay kooxdii ugu danbeysay ee la xiriirta Ivan Rakitic

0

Himilo FM –Bayern Munich ayaa ku biirtay liiska kooxaha xiiseynaya saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe Ivan Rakitic oo u ciyaara Barcelona.

30 jirkan ayaa ka dhaqaaqaya kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan iyadoo Barca ay heshiis la gaartay Frenkie de Jong, waxa sidoo kale indhaha ku hayaan xiddiga Atletico Madrid Saul Niguez.

Chelsea, Manchester United iyo Inter Milan ayaa dhammaantood lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia, kooxda reer Talyaani ee Inter ayaa durbadiiba xiriir la sameysay naadiga Barca.

Wargeyska Sport ayaa sheegaya in Bayern laga yaabo inay dalab u dirto laacibkan, laakiin Rakitic ayaa la rumeysan yahay in lagu heli karo £ 44m.

Wakiilka Rakitic ayaa dhawaan sheegay in aysan macquul aheyn in xiddiga uu wakiilka ka yahay uu ka tago Camp Nou sannadkan, laakiin waxa uu sheegay in uu isbedelay iyadoo Barcelona ay la xiriirtay Saul iyo Adrien Rabiot. ����n�n�

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version