Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Sacuudiga: Afka Shiinaha oo kamid noqonaya manhajka waxbarasho

Sacuudiga: Afka Shiinaha oo kamid noqonaya manhajka waxbarasho

0

Himilo FM –Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay  in afka Shiinaha lagu biirinayo muqararaadka waxbarashada heerarka kala duwan ee boqortooyada.

Wakaaalada wararka Sacuudiga ayaa shaacisay in afka Shiinaha uu kamid noqon doono muqararka waxbarashada heer kasta ee dalka Sacuudiga sida waxbarashada dugsiyada iyo jaamacadaha.

Waxa uu go’aankan imaanayaa xilli dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu booqasho ku joogo Shiinaha. Waa safarkiisii seddexaad islamarkaana ugu danbeeyay ee uu ku tagayo dalal kamid ah Asia.

Waxa uu hore booqasho ugu bixiyay dalalka Pakistaan iyo Hindiya isaga oo la kulmay madaxda dalkaasi.

Go’aanka ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo dhaqamada kala duwan iyadoo la doonayo in lagu furo wado cusub oo ah waxbarashada sare si loo kordhiyo xiriirka ganacsi iyo dhaqan ee labada bulsho.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version