Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada 20 Febraayo- Maalinta caalamiga ee cadaalada bulshada

20 Febraayo- Maalinta caalamiga ee cadaalada bulshada

1

Himilo FM –Cadaalada bulshada waa mabda’ tiir u ah wada noolaanshaha nabadeed iyo barwaaqo ee dalalka. Waxay imaan kartaa nuuca cadalaadan marka loo istaago sinnaanta dadka, xuquuqda dadka asalka ah iyo qaxootiga.

Waxaa kale oo la tiigsan karaa cadaalada bulshadda marka meesha laga saaro caqabadaha dadka wajahaan sababo la xiriira jinsigooda, da’dooda, midabkooda, diintooda iyo dhaqankooda.

QM waxay ku faantaa inay tahay tiir u taagan cadaalada bulshada iyadoo hay’adeeda shaqooyinka ee ILO u asteysay maalintan si loo dhiira geliyo cadaalada bulshada oo ah tiir ka maqan bulshooyin badan oo caalamka ku nool.

Waxaa looga dan leeyahay maalintan in diiradda lagu saaro xaqiijinta natiijooyinka shaqaaleysiin loo dhan yahay, ilaalin bulsho, wadahadal bulsho iyo dhowrida mabaadi’da iyo xuquuqda goobaha shaqada.

Sannadkan, maalinta caalamiga ah ee cadaalada bulshada waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “ Haddii aad dooneyso nabad iyo horumar, u shaqeey cadaalada bulshada.”

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version