Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Gabdho da’yar ah oo lacag ka dhacay banki

Gabdho da’yar ah oo lacag ka dhacay banki

0

Himilo FM –Booliiska gobalka Massachusetts ayaa u jeediyay labo gabdhood oo 14 iyo 15 jir kala ah eedeynta ah inay u dhaceen banki kaddib weerar hanjabaad ku dhisan oo ay qaadeen.

Warka waxaa intaa lagu daray in gabadha 14 jirka ah inay gashay faraca bankiga  BayCoast casirkii maalintii Arbacada islamarkaana u sheegtay khasnad hayaha inay qarxin doonto wax kasta dilna u geysan doonto dadka oo dhan haddii uusan ku wareejin lacagta.

Shaqaalaha bankiga ayaa mar danbe siiyay gabadha lacag aan la shaacin cadadkeeda, wayna tagtay.

Muuqaal kaamirada duubtay ayaa muujiyay gabadha yar oo raacaysa gaari nuuciisu yahay Toyota iyadoo gabadha weyn  kaxeynayso.

Booliiska ayay u suura gashay inay helaan tirsiga gaariga iyadoo baaritaanka uu geeyay guri magaalada ku yaala oo laga soo qabtay labada gabdhood.

Lama shaacin magacyada labada gabdhood ee ku eedeysan inay u dhaceen banki sababo la xiriia da’dooda yar.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version