Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Bayern Munich oo xiriir la sameysay wakiilka Roberto Firmino

Bayern Munich oo xiriir la sameysay wakiilka Roberto Firmino

0

Himilo – Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay wakiilka Roberto Firmino si looga wada hadlo suurtagalnimada in weeraryahanka Liverpool uu kamid noqdo Bayern sida ay qortay warbaahinta Ian McGarry.

Horraantii bishan, waxaa la soo wariyay in Bayern diyaarineyso dalab ku kacaya £75 Milyan oo ay ku dooneyso laacibka reer Brazil suuq furanka soo socda.

McGarry ayaa tilmaamaysa in kooxda horyaalka Bundesliga la xiriirtay wakiilka Firmino si loo oggaado haddii 28 jirka uu daneynayo in uu yimaado Munich.

Firmino oo qandaraaskiisa Anfield uu gaarayo illaa xagaaga 2023-ka ayaa dhaliyay 10 gool isaga oo caawiyay 12 kale 39 kulan oo uu u saftay kooxda tababare Jurgen Klopp xilli cayaaareedkan.


NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version