Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo iibin karta David de Gea

Manchester United oo iibin karta David de Gea

0

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka arrinsaneyso suurtagalnimada iibinta goolhayaha koowaad ee kooxda David de Gea suuq furanka xagaaga.

De Gea ayaa qalinka ugu duugay United heshiis cusub bishii September ee tagtay laakiin sida laga soo xigtay Goal.com, cayaaryahanka reer Spain ayaa loo oggolaan karaa in uu ka tago kooxda dhammaadka xilli cayaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in Dean Henderson oo kooxda uga maqan ammaah uu cajab geliyay madaxda United iyaga oo u arka laacibka reer England in uu noqon karo goolhayaha koowaad ee Old Trafford.

De Gea ayaa ka soo muuqday 392 kulan oo uu u saftay Man United tan iyo markii uu yimid kooxda bishii July ee sannadkii 2011-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version