Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Kumuu ahaa qofka keliya ee la ogyahay in uu dhashay islamarkaana dhintay...

Kumuu ahaa qofka keliya ee la ogyahay in uu dhashay islamarkaana dhintay 29-ka Febraayo?

0
February 29. Leap day, year. Flat daily icon. Eps. Vector illustration

Himilo – 29 Febraayo waxay timaadaa hal jeer sannad kasta, waxaana loo dabaal deggaa dhalashada dadka tirada yar ee maanta oo kale ku soo biiray dunida.

James Milne Wilson oo ahaa ra’iisul wasaarihii gobalka Tasmania ee Australia intii u dhaxaysay 1869-1972-dii ayaa ah qofka keliya ee la ogyahay in uu dhashay 29-ka Febraayo islamarkaana uu dhintay isla maalin kale oo taariikhda ku asteysneyd 29-ka Febraayo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Tasmania ayaa dhashay 29-kii Febraayo ee sannadkii 1812-kii isaga oo dhintay 29-kii Febraayo ee sannadkii 1880-kii.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in uu James dhashay 29-kii Febraayo oo timaada afartii sanno hal jeer isaga oo dhintay maalin kale oo taariikhda ahayd 29-ka Febraayo.  

James ayaa ayaa ra’iisul wasaaraha Tasmania xilligii gumeystaha Ingiriiska ee gobalkaasi 1869-kii. Dad badan ayaa ku tilmaamay in uu ahaa nin khayaano badan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version