Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Kenya oo mamnuucaysa gowraca dameeraha

Kenya oo mamnuucaysa gowraca dameeraha

0

Himilo – Wasaaradda beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga Kenya ayaa go’aansatay inay mamnuucdo gowraca dameeraha sabab la xiriirta kororoka falalka lagu xado dameerka si maqaarkiisa loo dhoofiyo.

Qoraal laga soo saaray wasaaradda ayaa lagu sheegay in xayiraadda noqotay qasab kaddib markii gowraca dameeraha uu sabab u noqday in dad badan waayaan shaqooyinkooda ku tiirsanaa xayawaankan.

Peter Monya oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga Kenya ayaa sheegay in falalka xatooyada dameeraha ay si gaar ah u saameysay beeraleyda oo u adeegsada xayawaanka inay ku rartaan badeecadaha.

Waxaa xusid mudan in ururka Donkey Sanctuary ee aan faa’iido doonka aheyn in uu ka digay sannadkii 2019-ka hoos u dhaca tirada dameeraha caalamka sabab ku qotonta dalabaadka sii kordhaya ee maqaarkiisa oo ka imaanaya Shiinaha.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version